Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey horumarka Galmudug

0

Dhuusamareeb – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga magaalada Dhuusamareeb iyo Taallada Cagaaran.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay hoggaanka Galmudug sida hufan ee ay u maareeyeen hirgelinta mashruuca, isagoo xusay in la xaqiijiyay in mashruucu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicdan ay astaan u yihiin horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay wax weyn ka tari doonaan isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaalaha deegaanka. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaalintii ay ka qaateen qorsheynta, maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicdan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, isagoo ku tilmaamay mashaariicdan dhaxal dowladeed oo waara, isla markaana bulshada Galmudug ugu baaqay inay ilaashadaan mashaariicda iyo horumarka la xaqiijiyay, ayna sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.

May be an image of horizon, road and streetMay be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here