Muqdisho – Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga tiiraanyootay dhacdo ka dhacday Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku geeriyootay hooyo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ay aad uga murugootay xaaladdii ay ku jirtay hooyadaasi, iyadoo tilmaantay in duruufo la xiriira helitaanka adeegyada caafimaadka iyo daryeelka ay qeyb ka ahaayeen xaaladda la soo sheegay.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa ugu baaqday Soomaalida meel kasta oo ay joogaan in laga hortago xaaladaha noocan ah, isla markaana la xaqiijiyo in hooyooyinka iyo qoysasku helaan adeegyo caafimaad oo ku filan.
“Waxaan si aad ah ugu boorineynaa guud ahaan Soomaalida meel walba oo ay joogaan in aynaan ogolaan sii socoshada xaaladaha noocaan ah ee aan ku weynayno hooyo, taas oo ah wax aad iyo aad uga fog bani’aadannimada,” ayay tiri Wasiiraddu.
Wasaaradda ayaa dhacdada ku tilmaantay mid naxdin leh oo taabanaysa dareenka iyo damiirka bulshada, iyadoo Alle uga baryey marxuumadda inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.




