Madaxweyne Xasan Sheekh oo Doha uga Tacsiyadeeyay Amiirka Qatar Geerida Aabihii Amiirkii Hore

0

Doha – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, Qasriga Lusail.

 

Madaxweynaha ayaa Amiirka uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Aabihii Amiirkii hore ee Qatar, Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar xilligan murugada leh, isagoo u rajeeyay Amiirka, qoyska boqortooyada iyo shacabka reer Qatar samir iyo iimaan. Sidoo kale, wuxuu Alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya tacsida iyo garab istaagga ay muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Amiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here