Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Dooxa kula kulmay Farmaajo

0

DOOXA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

 

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ka mira dhalinta dadaaladii deyn cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka.

Sidoo kale wuxuu ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahan xiisadda badda iyo dood kale oo ka dhalatay wax ka beddalka dastuurka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here