Maleeshiyaad hubeysan oo 4 qof ku dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Afar ruux oo dhalinyaro ahaa ayaa xalay aano qabiil loogu dilay deegaanka Fara-gooy oo 20 KM u jira caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhacay dilka dhalinyaradaas ee lala xiriirinayo aanada.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in weerarkan ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo hadda howlgallo ka wada agagaarka magaalada Dhuusamareeb.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo howlgallada ay wadaan ciidanka amniga.

Inta badan gobollada dhexe ayaa waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo ku soo laa laabtay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here