Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay calan saarka Kowda Luulyo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

 

Waxaa sidoo kale munaasabadda ku sugnaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

Xarunta madaxtooyada ayaa lagu qabtay munaasabadan oo u dhacday si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.

Sidoo kale maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabtauy isku bax ballaaran oo ay ka qayb-galayaan shacabka, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xuska 1 Luulyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here