Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca difaaca Soomaaliya, howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, marxaladda kala-guurka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo arrimo kale oo la xiriira amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kulanka ku sheegay inay jiraan qorshayaal iyo dhagarro ay soo maleegayaan dhinacyo shisheeye oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay Dowladda Federaalka si dhow ula socoto.

Wasiirka ayaa caddeeyay in dowladda aysan oggolaan doonin in dalka laga hirgeliyo ajandayaal uu ku tilmaamay kuwo ka hor imaanaya danaha qaranka, amniga iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay mowqifka Beijing ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.May be an image of dais, the Oval Office, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here