Jowhar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay go’aan lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaddib markii uu sheegay in caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle la siinayo reer Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa arrintan kaga dhawaaqay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka dib loo doortay ee Hirshabeelle, oo ka dhacday magaalada Jowhar, taas oo lagu caleema-saaray Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen, Hoggaamiye Ku-xigeenka, Cabdifitaax Xasan Afrax, iyo Guddoonka Golaha Wakiillada.
Go’aankan ayaa yimid xilli magaalada Beledweyne ay ka socdaan abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo salka ku haya tabashooyin siyaasadeed oo ay qabaan qaar ka mid ah bulshada gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka reer Hiiraan ayaa sheegay in caasimadda maamulka Hirshabeelle la siinayo gobolka Hiiraan, iyadoo arrintaas loo marayo habraacyada lagama maarmaanka ah iyo nidaamka dowliga ah.
“Walaalaha reer Hiiraan ee tabashada qaba waxaan leeyahay, caasimaddii waa la idiin siiyay, iyadoo dhammaystirka arrintaas loo mari doono habraacyada dowliga ah, waxaana muhiim ah in aad soo bandhigtaan magaalo-madax u qalanta caasimad, isla markaana ay si wadajir ah ugu wada noolaan karaan madaxda iyo dhammaan bulshada deggan maamulka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada gobolka Hiiraan inay ka shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Beledweyne, si looga gudbo xiisadaha jira, loona helo jawi u saamaxaya in xal waara laga gaaro tabashooyinka siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray hoggaanka dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada reer Hirshabeelle, si loo xoojiyo dowladnimada iyo horumarka deegaanka.




