Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay diblomaasiyadda Mareykanka

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaashaandhigga iyo amniga.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee khatarta ku ah amniga dalka, iyo sidoo kale mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay waajibaadka iyo mustaqbalka AUSSOM, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka kala-guurka amniga uu noqdo mid qorsheysan oo isku-dubbaridan, isla markaana ku saleysan awoodda iyo diyaargarowga Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday wareejinta saldhiggii hore ee ciidamada AUSSOM ee magaalada Baraawe, kaas oo ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay hawlgallada milatari ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hoggaaminayso, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha argagixisada iyo kuwa la shaqeeya, isagoo xusay khatarta ay kooxahaasi ku hayaan amniga Soomaaliya, xasilloonida gobolka iyo nabadda caalamka.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale caddeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, awoodna u leh gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta awoodda ciidamada, taageerada hawlgallada iyo horumarinta awoodda difaaca dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan hawlgallada ay hoggaamiso dowladda Federaalka ee lagu ciribtirayo argagixisada laguna xaqiijinayo nabad iyo amni waara.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here