Dhuusamareeb – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in markii uu xilka yimid aysan jirin maamul-goboleedyada ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo xusay inuu door ku lahaa dhismaha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Dalka markaan imid ma jirin dowlad-goboleedyo laga bilaabo Gaalkacyo ilaa Kismaayo; Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle anaa dhisay. Koonfurta iyo Bartamaha ayaa la oran jiray.”
Safarka Madaxweynaha ee Galmudug ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo Madaxweynaha uu ka qeyb geli doono munaasabad lagu soo xirayo tababar ay qaateen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta uu ku sugan yahay Galmudug, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha iyo kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, isagoo dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.




