Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tacsi u Diray Madaxweynaha Tanzania

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Marwo Dr. Samia Suluhu Hassan, kaddib geerida ku timid seygeeda, Marxuum Hafidh Ameir Hassan, oo ku geeriyooday dalka Tanzania.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Tanzania, qoyskeeda iyo carruurteeda, iyo guud ahaan shacabka iyo dowladda Tanzania, isagoo uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum Hafidh Ameir Hassan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, Marwo Dr. Samia Suluhu Hassan, qoyskeeda iyo carruurteeda, iyo guud ahaan shacabka iyo Dowladda Tanzania, oo aan uga tacsiyadeynayo geerida ku timid Marxuum Hafidh Ameir Hassan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here