Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday ciidamada ATMIS

0

DOOXA  (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay guul-darrada Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Isagaa la hadlayay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tabbabar uu uga socda dalka Qatar, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu cod dheer ku sheegay in Ciidanka ATMIS aysan marnaba ka dhaqaaqin xeryahooda balse ay Ciidanka Ciidanka Xoogga dalka qaadeen howlgallo laga soo hooyay guullo muuqda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa dadka degaanka ay ka tayo wanaagsan yihiin kuwa ATMIS markia la eego howlgalladii ugu dambeeyay ee Al Shabaab looga saaray degaanno iyo degmooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ciidamadda Xoogga dalka ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay ku guuleysteen shaqo ay muddo 15-sano ah ku fashilmeen ciidamadda ATMIS, sidda uu Madaxweyne Xasan Sheekh u  Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tabbabar uu uga socda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa qiray in Ciidanka Xoogga Dalka oo adkeysi muujinaya ay lug mareen Degaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Hiiraan, Sh.Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, halka Ciidanka ATMIS oo heysta hubka ugu culus ay awoodi waayeen in intaasi ay sameeyaan muddo 15 sanno oo ay joogaan dalka, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha wuxuu dhinaca kale sheegay in tabbabarka askarta uusan qaadaneyn waqti badan, isagoo tusaale uu soo qaatay in xasiloonidii Magaalada Muqdisho ay soo celiyeen ciidan lagu soo tabbabaray muddo saddex billood oo qura.

Balse Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday baahida loo qabo in la helo Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno hoggaamisa ciidanka nuucyadiisa kala duwan ee ka howlgalla dalka, sii loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May, ee sannadkii la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la yimid waaya aragnimo siyaasadeed oo ay mahdiyeen ummadda Soomaaliyeed, isagoona lagu ammaanay wax ka qabashada ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sida uu gacanta dowladda ugu soo celiyay ilaa 80 magaallo oo markii hore ay maamulayeen Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here