Madaxweyne Biixi oo shaaciyay inay sii wadi doonaan dagaalka Laascaanood

0

HARGEYSA (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay munaasabadda 18-ka May ee aas aaska Somaliland ayaa markale ka hadlay arrimo la xiriira colaadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ay sii doonin, isla-markaana aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in magaalada Laascaanood ay kamid tahay Somaliland, ayna kusoo celin doonaan gacantaooda, sida uu ku dooday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale eedeymo kulul u jeediyay hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay inay diideen nabad kusoo dabaalidda Laascaanood.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray beesha caalamka, waxaana uu ka dalbaday in aysan faro-gelin arrimaha gudaha ee Somaliland.

Biixi ayaa sheegay in beesha caalamka ay Somaliland taageerto, balse aysan xaq u lahayn inay faragasho arrimaheeda gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay duleedka magaalada Laascaanood oo ay shalay iyo maantaba ay ku wada dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, waxaana xoogiisa uu ka dhacay aagga deegaanka Maraaga oo ah jihada bari iyo galbeedka xarunta Soola ee Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here