Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarumaha cusub ee Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Hirshabeelle

0

Jowhar  – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismeyaasha cusub ee xarunta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo qaab casri ah loo dhisay.

 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle dadaalka ay ku bixinayaan dhismaha iyo tayeynta xarumaha dowliga ah, isaga oo xusay in maalgelinta kaabeyaasha hay’adaha dowladdu ay muhiim u tahay horumarinta adeegyada bulshada, hufnaanta maamulka iyo xoojinta dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle in ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana ay go’aannadooda ku saleeyaan danta guud iyo horumarka dadka ay metelaan.

May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here