Muqdisho – Madaxa Hoggaanka Isku-xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CIMIC), Gaashaanle Sare Iimaan Maxamuud Cali, ayaa maanta Dugsiga Tababarka Janaraal Dhagabadan ka furtay tababar aqoon-kororsi ah oo ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah, kaas oo loo qabtay saraakiil iyo saraakiil-xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidamada ee la xiriira ilaalinta shacabka, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgallada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta.
Madaxa Hoggaanka CIMIC ayaa saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada kula dardaarantay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoonta ay ka helayaan tababarka, isla markaana ay mas’uuliyad buuxda iska saaraan ilaalinta dadka rayidka ah ee ay dhaarta u mareen inay u adeegaan.
Hoggaanka Isku-xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka (CIMIC), oo u xilsaaran xoojinta xiriirka shacabka iyo ciidamada, ayaa tababaro aqoon-kororsi ah u qabta saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo askarta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo kordhiyo fahamkooda ku aaddan ilaalinta dadka rayidka ah iyo ka hortagga waxyeello kasta oo soo gaari karta bulshada xilliyada howlgallada lagu sifeynayo Al-Shabaab.




