Madaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed Laftagareen oo Midowga Afrika uga Digay Faragelinta Khilaafaadka Soomaaliya

0

Baydhabo – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed lagu xiriirinayo kooxda Al-Shabaab, isagoo Midowga Afrika iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ugu baaqay inaysan ku lug yeelan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

 

Madaxweynihii hore maamulka ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta ay yihiin ciidamo si sharci ah loo dhisay, kuwaas oo loo xilsaaray ilaalinta shacabka, hay’adaha dowladda, amniga iyo kala dambeynta dastuuriga ah ee maamulka.

Lafta gareen ayaa qoraal ay soo saartay ku tilmaantay eedeymaha ciidamada Daraawiishta loogu xiriirinayo Al-Shabaab kuwo aan sal iyo raad lahayn, iyadoo sheegtay in eedeymaha noocaas ah, haddii aan lagu xaqiijin caddeymo madax-bannaan, ay halis gelin karaan shacabka, ciidamada amniga iyo kalsoonida lagu qabo AUSSOM.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada aan lagu dhex milin karin dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan. Waxa uu ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, habraacyo dastuuri ah iyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, isagoo ka digay in awood ciidan loo adeegsado arrimo siyaasadeed ay sii kordhin karto colaadda, barakaca iyo kala qeybsanaanta bulshada.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale bogaadisay ciidamada Midowga Afrika ee muddada dheer ka qeyb qaatay sugidda amniga Soomaaliya, balse waxay ku adkeysatay in AUSSOM ay ilaaliso dhexdhexaadnimo iyo eex-la’aan siyaasadeed, isla markaana aysan dhinac ka noqon khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka. Maamulka ayaa ugu baaqay Midowga Afrika iyo AUSSOM inay si madax-bannaan u xaqiijiyaan xogta iyo eedeymaha la xiriira xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, ka hor inta aysan taageerin ama ka qeybqaadan wax tallaabo militari ah.

Sidoo kale, Koonfur Galbeed waxay ka digtay tallaabo kasta oo keeni karta rabshado, duqeyn, barakac ama waxyeello soo gaarta shacabka Baydhabo iyo deegaanada ku dhow, iyadoo ku adkeysatay in dhammaan howlgalada amni ay waafaqaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo waajibaadka ilaalinta shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hay’adaha caalamiga ah la wadaago xogta la xiriirta xaaladda amni iyo siyaasadeed ee deegaanka, isla markaana uu ka qeybqaato baaritaan madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo xaqiiqooyinka.

Ugu dambeyn, maamulka ayaa ku celiyay in mudnaanta la siinayo wada-hadalka, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga digayo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo awood ciidan, sida lagu sheegay qoraalka sumadiisa ay ku dabacneyd maamulka koonfur galbeed uuna soo saaray Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen,oo ah hogaankii hore ee maamulkaasi oo wali ciidamadiisa abuubulo kawada duleedka Baydhaba. May be an image of textMay be an image of blueprint and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here