Soomaaliya oo Ka Qeyb-gashay Kalfadhiga Degdegga ah ee OIC ee ka Dhacay Jeddah

0

Jeddah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya – Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galay Kalfadhiga Degdegga ah ee 23-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah.

 

Kalfadhiga ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Falastiin iyo magaalada Al-Quds Al-Sharif, iyo sidoo kale doorashada Xoghayaha Guud ee cusub ee Ururka Iskaashiga Islaamka. Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay garab-istaagga ay u hayso shacabka Falastiin, iyadoo ku baaqday in la helo caddaalad, nabad iyo xal waara oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrinta Falastiin.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu doortay Mudane Ismaïl Ould Cheikh Ahmed oo u dhashay dalka Mauritania inuu noqdo Xoghayaha Guud ee cusub ee Ururka Iskaashiga Islaamka, isaga oo xilka hayn doona muddada u dhexeysa 2027 iyo 2032. Soomaaliya ayaa u hambalyeysay Xoghayaha Guud ee cusub, iyadoo sidoo kale bogaadisay shaqadii uu muddada xilkiisa hayay Xoghayihii Guud ee xilka ka degaya, Hissein Brahim Taha.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta midnimada dalalka iyo shacabka Muslimiinta, iyo in la sii horumariyo iskaashiga iyo isku-duubnida dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda Falastiin ay weli tahay mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla dalalka Islaamka iyo beesha caalamka, iyadoo OIC ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo shacabka Falastiin iyo sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here