Mahdi Guuleed oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka.

Raiisul Wasaare ku xigeen, Xildhibaan Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.

Dhammad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here