Mareykanka oo taageeray go’aanka guddiga doorashooyinka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa war ay soo saartey waxey ku taageertey go’aanka guddiga doorashada heer federaalka ee Soomaaliya.

Warka Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyey xubnaha xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 14-ka bisha April.

Guddiga doorashada heer federaal ee Soomaaliya, ayaa xalay soo saarey bayaan qeexaya jadwalka dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Shalay ayey ku ekeyd waqtigii loo asteeyay in lagu dhameystiro qabashada kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here