Mareykanka oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo & Rooble

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay xalliyaan khilaafka haatan ka dhex taagan si loo ilaaliyo xasiloonida dalka.

Mareykanka wuxuu sidoo kale sheegay in wada-shaqeynta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay tahay arrin muhiim ah ‘ dardangelinta dhameytirska hanaanka doorashada dalka’

“Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay ka fogadaan qoraallada iyo ficilada xaaladda sii kicinaya si ay u xalliyaan khilaafka ka dhashay magacaabista saraakiisha dowladda” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu dhimmay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha.

Muranka ayaa ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay’adda NISA , taas oo ay dowladdu sheegtay in Shabaab ay dishay, kadib in muddo ah oo la la’aa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here