Marwada koowaad ee dalka oo xarigga ka jartay xarun Caafimaad + Sawirro

0

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa xarigga ka jartay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka oo laga hirgeliyey degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, xaruntan caafimaad ayaa loogu talagalay in bulashada deegaanka ay ka helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran gaar ahaan haweenka iyo carruurta oo la kulmi jiray dhibaatooyin xagga adeegga caafimaadka ah.

Marwada Koowaad ee Dalka ayaa ku bogaadisay bulashada Hobyo doorkii wanaagsanaa ay ka qaateen hirgelinta isbitaalkan casriga ah, taas oo muujineysa isku duubnida bulashada ah iyo sida ay ugu hamuun qabaan horumarka deegaankooda, waxa ayna kula dardaarantay in ay ilaashadaan midnimadooda siina xoojiyaan dardargelinta adeegayada aasaaska u ah dadka deegaanka ay ugu horreeyaan hooyada iyo ubadka.

“Madaama muddo badan baahi weyn loo qabay in la helo isbitaalkan casriga ah, waxaan ku guuleystay dhammaanteen inaan ka mira dhalino hadafkii bulashada deegaanka, dadaalkaas oo ay horkacayaan Haweenka deegaanka, waxaan rajeynaya bulashada kale ee reer Galmudug in ay isku tashigan kaga dayan doonan reer Hobyo oo ku suntan isku duubni iyo dowlad dhiska”.

Sido kale, Marwo Saynab ayaa u mahadcelisay dhammaan cidkasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka, gaar ah muwaadin Abshir Diini Cawaale oo dhulka ku deeqay, Hay’adaha Qatar Charity iyo  Saynab Moallim Foundation, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo guud ahaan bulashada Reer Hobyo oo ah dad jecel xoojinta dowladnimada.

Hirgelinta Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee degmada Hobyo waxa iska kaashaday Hay’adda Qatar Charity, iyo Hay’adda Saynab Moallim Foundation oo dadaal dheeriya ku bixiyey taabba-gelinta, dhisidda, u dhammeystirka shaqaalaha isbitaalka, qalabkii caafimaadka iyo guud ahaan agabyadii muhiimka u ahaan shaqada Caafimaadka.

Safarka waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Xildhibaanno, Senator, qaar ka mid ah haweenka u dhaqdhaqaaqa Arrimaha bulsahada iyo Madax ka socotay hay’adda Qatar Charity oo door weyn ka qaadatay dhisidda Isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here