Mas’uul ka tirsan Galmudug oo ka badbaaday qarax lala beegsaday + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta lala beegsaday gaari uu lahaa Kasim Jama Ali, oo ah Madaxa Baratakoolka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug. Qaraxa si gaar ah uga dhacay waddada u dhexeysa deegaannada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

 

Weerarka ayaa sababay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa, halka darawalkii gaariga uu soo gaaray dhaawac culus. Gaariga la qarxiyay ayaa isna gabi ahaan burburay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Kasim Jama Ali ayaa ka badbaaday qaraxa loo dhigay oo ahaa weerar si toos ah loogu bartilmaameedsaday kolonyadiisa, isla markaana la doonayay in isaga lagu khaarijiyo.

Xilliga uu qaraxu dhacay, deegaannada Wisil iyo Bacaadweyne waxaa ka socday dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Fedraalka ah, kuwa Maamulka Galmudug oo dhinac iyo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, ciidamada ayaa halkaas ka waday howlgallo amni iyo gulufyo ka dhan ah Al-Shabaab, maadaama gobolka Mudug uu ka mid yahay xiligaan meelaha ay ka jireen iska horimaadyada ugu xooggan.

Dhacdadan ayaa muujinaysay halista amni ee ka jirta gobolka, gaar ahaan waddooyinka isku xira deegaannada ay ka socdeen howlgalada militari, kuwaas oo marar badan ay Al-Shabaab ka fuliyeen qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah.

Lama oga xaaladda dhabta ah ee caafimaad ee uu ku suganyahay Kasim Jama Ali oo ah madaxa hab maamuuska ee Madaxtooyada Galmudug, ilaa hadana dowladdu kama hadlin weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here