Maxaa ka jira in madaxweyne Xasan iyo Ruto ay ka wada-hadleen xiisadda Badda?

0

MUQDISHO (SMN)  – Warsaxaafadeed kasoo baxaya dowladda Soomaaliya ayaa lagu beeniyay war ay baahisay Wakaaladda Wararka Reuters oo lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada-hadleen xiisadda badda.

 

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in warkaasi uu been abuur yahay, isla markaana labada madaxweyne ay ka wada-hadleen oo kaliya amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Warsxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here