Maxay ka wada-hadleen Xamsa iyo safiirka Imaaraadka Carabta?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale waxa ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeysay ee gobolka, maadaama ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale tababaro siiyaa qaar kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here