Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday ragu helay Al-Shabaabnimo

0

MUQDISHO (SMN)Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun kasoo saartay kiiska laba nin oo lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

 

Labada ruux ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye, waxayna maxkamaddu sheegtay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa maxkamaddu sheegtay inay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee dilalka iyo Arbushaadda Muqdisho ilaa Ceelasha deegaanka Biyaha.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadooda ay ahaayeen saaxibo isku bartay istcimaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka oo ay wada isticmaalayeen.

Axmed Xasan Baariyow ayay maxkamaddu sheegtay inuu Al-Shabaab ku biiray 2012-kii, kadibna uu tashkiiliyay saaxibkiis Qoslaaye oo isna Al-Shabaab kamid noqday sanadkii 2020-kii, waxana kadib iskala howlgaleen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Maxkamadda Ciidamadada oo labadaan nin kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay xukunno kal duwaan, Axmed Xasan Baariyow ayaa maxkamada ku ridday 15 sano xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed  ay ku xukuntay 5 sano oo xabsi Ciidan ah.

Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here