Sawirro: Maxaa ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Soomaaliya la gashay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

 

Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan la dagaallanka Al-Shabaab, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan dagaalkooda, isaga oo sidoo kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here