Maxkamadda ciidamada oo xukun kasoo saartay dilkii guddoomiye Dhagajuun

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askarta loo heysto dilkii guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhowaaqay go’aankan ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo gaaraya illaa 6 askari oo uu ku jiro taliyihii Booliiska degmada Howl-wadaag lagu ridday xukun xarig ah.

1-Gaashaanle Booliis Shucayb Cabdi Maxamed Taliyihii Booliiska Degmada Howlwadaag waxaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi ciidan ah kadib markii lagu eedeeyay in uu sameeyay gaabis mas’uuliyad & in uu baxsaday mid kamid ah ilaaladiisa falka kadib.

2-Dable Booliis Bishaar Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah sabab ka dhalatay mas’uuliyad darro & in uu baxsaday kadib markii uu dhintay Guddoomiyihii Degmada Hodan AUN Cabdixakiin Dhega-juun.

3-Jamaal Isxaaq Cali, 4-Dhibaawe Ibraahim Yuusuf, 5-Faarax Sabriye Afrax & Kulmiye Kaariye Cali waxaa afartaas eedeysane si wadajir ah loogu xukumay xabsi ciidan oo dhan 2-sano sida uu sheegay Guddoomiye Shuute.

Sidoo kale waxaa xabsiga usii dheer in ay bixiyaan magta (Diyada) marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhega-juun, Ibraahim Abuukar Cismaan & Liibaan Xasan Liibaan oo rasaasta lagu furay uu dhaawac kasoo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here