Muqdisho, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal nabadeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in dagaalka ka qarxay Muqdisho uu yahay mid si weyn looga walaacsan yahay, isla markaana laga xun yahay khasaaraha ka dhashay.
“Dagaalka ka qarxay Muqdisho waa mid aad looga walaaco, waxaana ka xunnahay khasaaraha ka dhashay. Soomaalidu waxay u baahan tahay nabad, xasillooni iyo horumar. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadalka, si khilaafaadka loogu xalliyo si nabadgelyo ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Midowga Yurub ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, iyadoo la xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed si looga fogaado colaado hor leh oo saameyn ku yeesha shacabka Soomaaliyeed.
Baaqa Midowga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho, laguna beddelo wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.



