Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, uuna hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay awood ciidan u adeegsatay la wareegidda Maxkamadda Sare ee dalka, isla markaana xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare.
Golaha ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag ugu cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay duullaan iyo afgambi uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku qabsaday Maxkamadda Sare ee Federaalka, iyo cadaadis ay sheegeen in hay’adaha amniga ku hayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo garsoorayaashii soo saaray go’aanka summaddiisu tahay MS/DST/1/2026.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/DST/1/2026, kaas oo sida uu Goluhu sheegay lagu go’aamiyay in muddo-xileedyada Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Xukuumaddu ay dhammaadeen, isla markaana dalka doorasho heshiis lagu yahay looga qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Goluhu wuxuu sheegay in go’aanka Maxkamaddu ku soo aaday xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran, isaga oo ku tilmaamay fursad lagu soo afjari karo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed, laguna gaari karo heshiis doorasho oo loo dhan yahay.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo ka digay khataraha uu sheegay inay wajahayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu yahay xuddunta khilaafka siyaasadeed ee taagan, isaga oo sheegay in mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha xaaladda uu dusha u ridanayo Madaxweynaha.
Dhanka kale, Golaha ayaa beesha caalamka u sheegay in muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku ekaa 15-ka May 2026, halka muddo-xileedka Baarlamaanka uu dhammaaday 14-ka Abriil 2026, sida uu Goluhu u fasiray go’aanka Maxkamadda Sare.
Goluhu wuxuu intaas ku daray in heshiisyada iyo go’aannada siyaasadeed ee la gaaray muddadaas kaddib ay yihiin kuwo u baahan dib-u-eegis, marka la soo celiyo sarreynta sharciga iyo nidaamka dowladnimo.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira muddo-xileedyada hay’adaha dowladda, hannaanka doorashooyinka iyo muranka ka taagan arrimaha dastuurka, iyadoo mucaaradka iyo dowladda ay weli ku kala aragti duwan yihiin sidii xal looga gaari lahaa khilaafka.




