Soomaaliya oo ka qaybgalay Madasha Ganacsiga iyo Warshadaynta Soomaaliya iyo Shiinaha ee Yiwu

0

Yiwu, Shiinaha – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga iyo Warshadaynta Soomaaliya iyo Shiinaha oo lagu qabtay magaalada Yiwu ee dalka Shiinaha, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi, warshadaynta iyo dhiirrigelinta maalgashiga labada dal.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa ka mid ahaa wafdi heer sare ah oo Soomaaliya ku matalayay madasha, waxaana wafdiga hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Wafdiga Soomaaliya waxaa magaalada Yiwu ku soo dhaweysay Safiiradda Soomaaliya u fadhida dalka Shiinaha, Marwo Hodan Cismaan Cabdi.

Madasha waxaa ka qaybgalay ganacsato, maalgashadayaal iyo wakiillo ka kala socday Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo fursado kala duwan oo maalgashi ku saabsan Soomaaliya ku soo bandhigay, gaar ahaan dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, dalxiiska iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Ka qaybgalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa la xiriira dadaallada lagu soo bandhigayo fursadaha ka jira dhinaca khayraadka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya, iyo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashadayaal caalami ah oo danaynaya ka faa’iidaysiga khayraadka dalka.

Madashan ayaa sidoo kale fursad u ah labada dal inay sii xoojiyaan iskaashigooda dhaqaale iyo ganacsi, isla markaana ay abuuraan xiriirro cusub oo dhex mara ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed iyo kuwa Shiinaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee caalamiga ah, loona soo jiidan lahaa maalgashi wax ka tari kara horumarinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta warshadaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here