Muqdisho Waxaa Furmay Kullankii Ugu Horreeyey ee Guddiyada Farsamada ee Gogosha Wadahadallada Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho – waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay kullankii ugu horreeyey ee Guddiyada Farsamada ee Gogosha Wadahadallada u dhaxeeya Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Kullankan oo lagu qabtay  magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saarayaa dejinta ajandayaasha, habraacyada iyo qodobada farsamo ee lagu wajahayo wadahadallada, kuwaas oo la filayo in ay horseedaan is-afgarad iyo wada-shaqeyn miro dhal ah.

Guddiyada Farsamada ayaa ka kooban xubno matalaya labada dhinac, waxaana la filayaa in kulamadan ay sii socdaan maalmaha soo socda, si loo dardargeliyo gogosha wadahadallada iyo xal u helidda arrimaha mudnaanta u leh dalka.

Furitaanka kullankan ayaa ah hordhac unoqnaya dadaallada socda ee lagu xoojinayo wadahadalka, wada-tashiga iyo isu-soo dhowaanshaha dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here