Muxuu Deni ka yiri shirka Jabuuti uga furmay Soomaaliya iyo Somaliland?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

 

Deni oo ugu horreyn soo hadal qaaday shirka Jabuuti uga furmay Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inay Puntland kasoo horjeedo kulankaasi oo ah heer madaxweyne, una dhexeeyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in aysan gar ahayn, iyadoo Soomaali ay Puntland ka maqan tahay laga wadahadlo qaddiyadda Somaliland.

“Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaali ay Puntland ka maqantahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo uu ku eedeeyay inuu ku kacayo tallaabooyin ka dhan ah Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Jabuuti ay isugu tageen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo mar kale dib u bilaabay wada-hadalladii u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa.

Dadaalladan ayaa waxaa hormuud u ah madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkiisa isugu geeyay labada madaxweyne, wuxuuna kulankooda noqonayaa kii labaad oo foolka fool ah oo ka dhaca isla dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here