Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri arrimaha doorashooyinka dalka?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada.

Farmaajo ayaa ku baaqay in aan waxba laga bedalin heshiiskii hora looga gaaray hannaanka doorashooyinka ee 17-kii September.

“Heshiiskii 17-kii September waa sharci aniguna aan saxiixay waa in la ilaaliyaa oo aan waxbo laga badalin,” ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo .

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo 27 bishan uu Muqdisho ka furmayo Golaha Wada-tashiga Qaran ee dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlay doorashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here