Turkiga oo war cusub kasoo saaray kiiska wiilka madaxweyne Xasan Sheekh

0

ISTANBUL (SMN) – Turkiga ayaa sharaxaad ka doonaya Soomaaliya kadib markii wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhoofay dalka kadib shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay gaari diblumaasiyadeed sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga.

 

Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 30-kii bishii November kaxeynayay gaari ay leedahay Qunsuliyada Somaliya, waxaana uu ku dhuftay Mooto Bajaajta oo ku sugneyd Bartamaha Magaalada Istanbul, iyadoo uu dhaawac culus soo gaaray, sida ay sheegtay Warbaahinta Turkiga.

Xiliga uu shilkaasi dhacayay ayaa waxa uu isticmaalayay gaari uu saarnaa taariko diblumaasiyadeed,sida uu sheegay sarkaalka u hadlay Turkiga oo si qarsoodi ah u hadlay iyadoo wali uu socdo baaritaanka.

“Qofka aan sharciga diblomaasiyadeed lahayn xaq uma laha inuu isticmaalo gaadiidkan,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray. “Waxaa la weydiistay xogta arrintan ku saabsan (Soomaaliya).”

Maqnaanshaha “xasaanadda ama ka-reebista dublamaasiyadda”, wax isbeddel ah ma samayn in wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya uu kaxaystay baabuur taariko dublamaasiyadeed leh, ayuu yidhi sarkaalku, isagoo intaa ku daray in wasaaradda caddaaladda ee Turkiga ay hawshaas gacanta ku hayso.

Saraakiisha Soomaalida ayaan ilaa hadda wax war ah laga hayn.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dhoofay Turkiga 2-dii December, kaddib markii laga sii daayay su’aalo ay booliiska weydiinayeen, halka 38-jirka mootada, Yunus Emre Gocer, uu weli isbitaalka ku jiro, sida uu sheegay Jimcihii xafiiska dacwad-oogaha Istanbul.

Laakiin ka dib markii ninkan uu ku dhintay isbitaalka 6-dii December, waxaa la soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta.

Baaritaan ayaa lagu billaabay saraakiisha booliiska ee markii hore qiimeeyay shilka, wasiirka cadaaladda Turkiga Yilmaz Tunc ayaa sidaas ku sheegay barraha bulshada ee X Axadii.

Warar ay warbaahintu ka heshay dhacdadan ayaa dhalisay caro weyn oo ku aadan shacabka Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya.

“Waxaan nidhi waxaan raacaynaa nidaamka garsoorka, laakiin tuhmanuhu wuu baxay,” Duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ayaa Jimcihii ku sheegay qoraal uu soo dhigay X.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here