MW Farmaajo: Halgankii gumeysi diidka waxaa hormuud u ahaa Gobollada Waqooyi

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadda 26-ka June oo ku asteysan maalintii ay gobollada Waqooyi madaxbannaanida ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June.

“Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan” ayaa madaxweyne Farmaajo ku yiri khudbaddiisa, taas oo ay qoraal u shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Munaasabadda 26-ka June ee 61 guurada xorriyadda gobollada waqooyii ee Soomaaliya oo xalay ka dhacday Muqdisho waxaa sidoo kale soo qeygablay Ra’isul Wasaare Maxamed Museen Rooble iyo masuuliyiin kale oo kala socday ha’adaha kala duwan ee dowladda iyo bulshada rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here