Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda oo isugu jiro xildhibaano iyo wasiiro ayaa uga hortegay gudaha garoonka wafdiga uu horkacayo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo kasoo duulay magaalada Garoowe.

Siciid Deni ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaga qeybgalaya shirka wada-tashi ee looga hadlayo dardar-gelinta doorashadda, kaas oo uu iclaamiyey ra’iisul wasaare, Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here