Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dhex dilay hoteel ku yaalla dalka Turkiga

0

ISTANBUL (SMN) – Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday hoteel ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kadib markii nin Soomaali ah uu gudaha hoteelkaas ku dilay xaaskiisa.

 

Lamaanahan ayaa la sheegay in u dalxiis tageen halkaas iyagoo ka yimid dalka UK.

Sababta uu ninkaas u dilay xaaskiisa ayuu ku sheegay inay siisay waxyaabo maanka dooriyada sidaasina uu ku bilowday muran dhexdooda ah.

Sidoo kale waxaa jira sawir ay baahisay warbaahinta Turkiga oo ay ku sheegeen inay tahay gabadha la dilay balse markii dambe la ogaaday inay khalad tahay.

Ninka lasoo qabtay ayaa qirtay dambiga uu galay wuxuuna haatan ku jiraa gacanta ciidanka booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here