NISA oo gacanta ku dhigtay gaadiid kusii jeeday Al-Shabaab iyo raggii waday

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay.

 

Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidoo kale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.

Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Shabaab joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen kooxda si loogu adeegsado Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here