NISA oo gacanta ku dhigtay xubno doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Al-Shabaab.

 

Xubnahan oo watay Gaari nuuca loo yaqaano Caasi kana soo baxay deegaan Hoos taga degmada Afgooye ayaa gcanta Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka soo galay xilli ay doonayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan xubnaha Al-Shabaab.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meelkasta ku beegsato dagaalyahanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here