Muqdisho – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaacisay liiska horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay howl-gallo ay fuliyeen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka 10-kii bilood ee la soo dhaafay.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howl-galladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, laguna burburinayo hoggaankeeda sare iyo shabakadaha ay ku tiirsan tahay.
Hay’adda ayaa tilmaamtay in howl-galladaas lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal muhiim ah oo door weyn ku lahaa qorsheynta weerarro, ururinta dhaqaalaha iyo hagidda dagaallada ay kooxda ka waddo gudaha dalka.
Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in guulaha laga gaaray howl-galladan ay ka dhasheen iskaashi dhow oo u dhexeeya ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, taas oo sare u qaaday awoodda sirdoonka iyo fulinta howl-gallada qorsheysan.





