Muqdisho – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in wada hadal lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada hadal halkii la iska horkeeni lahaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay UNSOM ayaa lagu yiri: “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda maamulka Koonfur Galbeed, khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka waa in lagu xalliyaa wada hadal.”
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay walaac ku aaddan saameynta ay xiisadahan sii xumaanaya ku yeelan karaan xasilloonida dalka, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Ergada ayaa ka digtay in xaaladdu haddii ay kasii darto ay halis gelin karto guulihii jilicsanaa ee laga gaaray dib u dhiska iyo nabadeynta.
“Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu baaqay in la muujiyo is-xakameyn iyo wadahadal wax ku ool ah.
Ugu dambeyn, UNSOM ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta iska hor imaad hubeysan, iyagoo xusay in sii hurinta colaadda ay wiiqi karto horumarka laga sameeyay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.




