NISA oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo habeenimadii Khamiista, 1-da Oktoobar 2026, ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ay NISA ku sheegtay inuu ahaa horjoogihii hore ee kooxda Al-Shabaab ugu yeerto Amniyaadka.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay NISA, Bashiir Axmed Xaaji Nuunow ayaa xilkaas hayay intii u dhexeysay sannadihii 2016 iyo 2024, waxaana uu sidoo kale adeegsan jiray magacyada afgarashada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

NISA ayaa sheegtay in Bashiir Nuunow uu muddo dheer ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab, isla markaana uu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, weerarkii Soobe 2 iyo weerarro kale oo ka dhacay hoteello iyo goobo kala duwan oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay tallaabooyinka joogtada ah ee ay, iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ku baacsanayso horjoogeyaasha Al-Shabaab ee ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen weerarrada lagu daadinayay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgallada noocan ah ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu burburinayo shabakadaha Al-Shabaab ee loo adeegsado qorsheynta, abaabulka iyo fulinta weerarrada.

Hay’addu waxay sheegtay in dilka Bashiir Axmed Xaaji Nuunow uu saameyn ku yeelanayo hoggaanka iyo shabakadaha kooxda Al-Shabaab, iyadoo howlgalka ku tilmaantay qeyb ka mid ah dadaallada lagula xisaabtamayo xubnaha lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarrada iyo qaraxyada lagu waxyeelleeyay shacabka Soomaaliyeed.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here