MUQDISHO – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal amni-darro ah oo laga fuliyo magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.
War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in xubnahan si dhuumaaleysi ah ugu sugnaayeen degmooyinka Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha. Hay’addu waxay sheegtay in afar ka mid ah dadka la qabtay ay ahaayeen shabakad isku xiran oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal argagixiso oo lagu waxyeelleynayo shacabka, isla markaana lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.
NISA ayaa sheegtay in sirdoonkeedu muddo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo qorshayaasha xubnahan, iyadoo dabagal iyo xog-ururin kaddib lagu guuleystay in mid kasta lagu qabto goobtii uu ku sugnaa. Dadka la qabtay ayaa hadda lagu wadaa baaritaanno, iyadoo NISA ay sheegtay in marka baaritaannadu soo dhammaadaan loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo waafajiyo sharciga.
Hay’adda NISA ayaa sidoo kale uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed xogaha ay la wadaagaan hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo badqabka muwaadiniinta iyo amniga magaalada Muqdisho.




