Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo tababar u soo xiray Guutada 21-aad ee Gorgor

0

Manisa – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga, General Metin Tokel, ayaa magaalada Manisa tababar heersare ah ugu soo xiray Guutada 21-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda ayaa loo tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay guutadii ugu horreysay oo dhammaystiran oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, taas oo hal mar iyo hal goob lagu wada tababaray. Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ciidamada loogu diyaariyo gudashada waajibaadkooda qaran, iyagoo leh awood, xirfad iyo isku-xirnaan wanaagsan.

Qalin-jebinta ciidankan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay wadaan diyaar-garow xooggan oo la xiriira hawlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta amniga iyo soo celinta xasilloonida dalka.No photo description available.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here