NISA oo soo bandhigtay meydadka AS la dilay iyagoo qarxinaya xarumo ganacsi

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa fashiliyay kooxo doonayay in ay qarxiyaan goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo u hoggaansamay amarka hay’adda NISA ee la xiriira in goobohooda ay ku xiraan Camerooyinka qarsoon ee CCTV.

 

Ciidamada amniga ayaa ka war helay mar qura kooxdan oo doonaysa in qarax ay ku xiraan goob ganacsi oo ku taalla xaafadda MBC, balse muwaadinkii lahaa uu kula dhagay, taasina ay keentay in ciidamada ammaanka ay fuliyaan howlgal ay ku soo afjarayaan kooxdan.

Laba ka tirsanayd kooxdii waday miinooyinka ayaa la dilay, halka mid kalena oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay iyada oo ay gubatay mooto Bajaaj ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa oo kooxdu wadatay kadib israsaaseen dhex-martay iyaga iyo ciidamada ammaanka.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here