Puntland oo shaacisay liiska Golaha degaanka Bandar Beyle

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay Liiska Xubanaha golaha deegaanka Degmada Bandar Beyle ee Gobalka Bari.

Liiska ay Wasaaradda shaacisay oo ka kooban 23-Xubnood ayaa waxaa kujira Afar haween ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay doortaan golaha degaanka Degmada Bandar-Beyle.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaciso liiska Golayaasha degaanka degmooyinka gobolada Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here