NUSOJ oo sharci darro ku tilmaamtay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

0

MUQDISHO (SMN) – Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay ansixinta Gollaha Wasiiradda Soomaaliya ee magacaabista Gollaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

 

War Saxaafadeed Ururka NUSOJ soo saarey ayaa lagu micneeyay magacaabista xubnaha tallaabo si cad u baalmarsan qodobada sharciga ah ee ku xusan qodobka 14-aad ee xeerka saxaafadda Soomaaliya ee wax ka bedel lagu sameeyay sanadka 2020-ka.

Sida ku cad faqradda 14 ee qodobka 1-aad xeerka Saxaafadda, xubnaha Gollaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed waa inay ka koobnaadaan sagaal xubnood oo kala ah saddex ka socda warbaahinta guud iyo dawladda, saddex ka socda warbaahinta gaarka ah, halka saddexda soo hadhayna ay ka imaanayaan bulshada rayidka ah, oo ay ku jiraan Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, Ururka Haweenka Qaranka, iyo Ururka Qareenada Soomaaliyeed.

Waxa xusid mudan in sharcigu si khaldan ugu tilmaamaya Gudiga xuquuqal insaanka qaranka urur bulshada rayidka ah, iyadoo uu yahay hay’ad sharci ku dhisan. Waxaa taasi ka sii daran in Gudiga oo dalka ka maqan yahay, haddana dhammaan 9-ka xubnood ee xeerka Saxaafadda ku qoran (oo ay ku jiraan wakiillada Xuquuqul Insaanka Qaranka) la lagu soo daray liiska kadibna loo gudbiyay Golaha wasiirrada oo maanta meel mariyay.

Beddelidda matalaadda Gudiga Xuquuqul Insaanka Qaranka waxay u baahan tahay in wax ka beddel lagu sameeyo sharciga iyada oo loo marayo habraaca baarlamaanka Soomaaliya.

Farqada 14( ee qodobka 2aad ee xeerka) waxay cadeynaysaa in dhismaha Gollaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed uu ka madax banaan yahay faragelinta siyaasadeed iyo tan dowladda. Si kastaba ha ahaatee, bahda saxaafadda Soomaaliya ayaa aad ula yaabay in sagaalka magac ee golaha wasiirada la horgeeyay uu ku jiro siyaasi ah (Senatar hore) taasoo si bareer ah loogu wiiqay madax-banaanida iyo kalsoonida Gollaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Farqada 14( ee qodobka 4aad ee xeerka Saxaafadda) wuxuu waajib ka dhigayaa in qaab wadatashi ah oo ka dhaxeeya Wasiirka Warfaafinta, xarumaha warbaahinta, NUSOJ iyo bulshadda rayidka lagu dhiso Gollaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxa wax laga xumaado ah, wada-tashiyadani ma aysan dhicin, waxaana loo maray qaab qarsoodi ah, oo ay ka muuqatay hufnaan la’aan iyo dayacaadda fikradaha muhiimka ah.

“Aad ayaan uga naxnay. Anagoo hore qaylo dhaan uga soo jeedinay qodobada caburinta ah ee ku jira xeerkan saxaafada ee wax laga bedelay, waxaan aad ula yaabnay in aanu aragno in Gollaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed sagaalkiisa xubnood lagu soo xulay hab aan sharci ahayn. In kasta oo aan qireyno inay ku jiraan liiska xubno ku kalsoon tahay warbaahinta, haddana magacaabista waxaa lagu sameeyay si sharciga aan waafaqsanayn,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Xaqiiqdii, Gollahan Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ma ahayn mid si sharci ah loo dhisay, sidaas darteedna ma jirto wax sharciyad ah oo ku shaqeyn doono. Ansixinta shaqsiyaadka noocaan ah ee Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa fal aan sharciga waafaqsaneyn oo halis gelin kara xoriyada saxaafada Soomaaliya.

Ururka NUSOJ oo horey u diiday inuu xubin ka noqdo golaha warbaahinta qaranka, ayaa ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre inuu baabi’iyo ansixinta xubnahan sida sharci darrada ah lagu soo dhisay, lana ilaaliyo sharciga. Dalka iyo bahda saxaafaddu ma awoodaan in ay dalka ka dhacdo dhibaato cusub oo xorriyadda saxaafadda ah oo aan loo baahnayn.

NUSOJ oo ilaalisa sharciga dalka, waxay ka codsanaysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo farageliyo arintan taagan, islamarkaana uusan saxiixin golahan warbaahinta qaranka Soomaaliya. Ugu dambeyntii, rurku NUSOJ waxuu Madaxweynaha u soo jeediyay in sharciga la ixtiraamo, lana ilaaliyo xorriyadda saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here