Axmed Madoobe oo la shiray xubnaha mucaaradka Jubbaland + Sawirro
KISMAAYO (SMN) - Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay siyaasiiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland oo horey Madaxweynaha ay u yeesheen wada hadalo miro dhal ah.
Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada shacabka reer Jubaland.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii wadajir looga...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo ka bilaabay degmada Maxaas
MAXAAS (SMN) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka degay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib mudo bil ah oo uu ku sugnaa caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Maxaas waxa ay ka mid tahay magaalooyinkii gobolka Hiiraan ee uu ka billowday dagaalka haatan lagula jiro Al-shabaab oo markii hore ka curtay kacdoon shacab.
Madaxweyne Xasan...
Ciidamo xoogan oo kusii qulqulaya aagga dagaalka ee gobolka Sool
LAASCAANOOD (SMN) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo badan oo ka mid ah gobolkaasi, kuwaas oo u dhexeeyO SSC-Khaatuma iyo Somaliland.
Labada dhinac ayaa haatan ciidan isku uruursanayo, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaal uu ka qarxo aagga magaalada Laascaanood.
Gelinkii dambe ee Axaddii, illaa xalay waxa ay ciidamo...
Madaale oo sheegay in Al-Shabaab loo fududeeyo qaraxyada Muqdisho
MUQDISHO (SMN) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlayay xaaladda ammaan ee caasimadda dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab loo fududeeyo weerarada qaraxyada ah.
Madaale ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan shaqsiyaad gacan saar la leh Al-Shabaab iyo sidoo kale dowlado waa weyn oo taageera, sida uu hadalk u dhigay.
Sidoo kale...
Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo musuq ku soo eedeeyay mas’uuliyiin horleh
MUQDISHO (SMN) - Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda 7 sarkaal oo ka kala tirsan Hey'adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Raggan oo dhammaantood maqanayaal ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuq maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.
Dowladda Soomaaliya ayaa in dhowaanahan ku howlaneyd la dagaallanka...
Somali president in full military fatigues arrives in central frontline town
MAHAS, Somalia - President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday arrived in the town of Mahaas in the Hiran region as SNA forces gear up for the 2nd phase of the Al-Shabaab war.
"President Hassan Sheikh during his stay in Mahas will hold talks with the SNA officers, members of the civil defence forces, the authorities and the local community, on...
Top UN officials visits Somalia as AU troops continue pullout plan
DHUSAMAREB, Somalia - The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, received the UN Under-Secretary-General (USG) for Operational Support, Mr. Atul Khare who paid a working visit to the Horn of Africa country.
The talks held in the central city of Dhusamareb focused on key issues related to military operations against al-Shabaab, the reduction of ATMIS forces, and UNSOS support for...
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dagay degmada Maxaas + Sawirro
MAXAAS (SMN) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta...
Dowladda Soomaaliya oo maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Galgaduud
CADALE (SMN) - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta 1,500 oo askari u dirtay Galmudug, si ay uga qayb-qaataan howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud.
Ciidamadan oo aad loo qalabeeyay ayaa lagu diyaariyay magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, waxayna isugu jiraan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.
Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamadan kasii...
Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka uu maanta guddoomiyay Duqa Muqdisho?
MUQDISHO (SMN) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka qaybsoomay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay Horumarinta Caasimadda, Amniga, Dib-u-dhiska, Dhaqaalaha iyo Taageerada Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka...












