Shabelle Media Network Logo

Radio Shabelle Live

Powered by Shabelle Media Network

Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray dhismaha bangiga Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Bangiga waxaa dhistay Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay Madaxweyne Deni  3-dii March 2020, waxaana lagu fuliyey dhismaha xaruntan  kharashaadka lagu helay beekhaaminta dakhliga maamulka. Dhismaha xarumaha dowladdu waxay qeyb ka tahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada loo hayo shacab-weynaha Puntland...

Shir looga hadlayey dhismaha wadada Jaziira oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga qeybgalay Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo ka tirsan Degmada Wadajir. Shirkaan oo uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda DFS iyo Danjiraha...

Guddiga doorashada oo la kulmay Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka

Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga mudane Maxamed Xasan Cirro, ayaa caawa la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu kulankan kusoo aadayaa,...

Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay mas’uul ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Somaliland lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland ee Sool Cabdullahi Laba-Go’le ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli aan cidna loo soo qaban dilka loo geystay marxuumka, inkastoo...

Muxuu Rooble ka yiri shaacinta musharaxiinta Aqalka sare ee K/Galbeed?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda. Ra’iisal wasaare ayaa u rajeeyay doorashadu Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo in ay  ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan. Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa gelinkii dambe...

Madaxweyne Farmaajo oo ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil  iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil...

RW Rooble oo kusoo laabtay Muqdisho, kana warbixiyey shirkii London

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii shalay kooxda ciyaartoyda Kismaayo lagula beegsaday, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London. Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Marka hore waxaan rabaa inaan...

AMISOM oo ciidamo gaar ah u diyaarisay amniga doorashooyinka

Taliyaha booliska AMISOM Augustine Magnus ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo suga amaanka goobaha doorashooyinka Soomaaliya oo Khamiistii ka billowday Kismaayo. AMISOM waxay sheegtay inay u diyaar garowday ilaalinta amaanka goobaha doorashooyinka Baarlamaanka lagu qabanayo, waxayna u xil-saartay Ciidan boolis ah oo la shaqeyn doono kuwa Soomaalida. Howlgalka Midowga Afrika waxuu xusay in tani ay qeyb ka qatay waajibaadkooda amniga iyo...

Qatar oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG Jubaland. Qatar ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in la qarxiyo dhalinyaro ciyaartoy ah oo aan waxba galabsan, waxayna ka tacsiyadeysay geeridii ku timid ciyaartoyda. Bayaan ay soo saartay Qatar ayaa waxaa lagu yiri: “Dowladda Qatar waxay ku celinaysaa mowqifka adag...

Kulan looga hadlayey amniga doorashooyinka oo ka dhacay Baydhabo

Guddiga Hirgellinta Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Shir looga Hadlayey sugidda amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatey Saraakiishada Ciidamada Loo xilsaarey Amniga Doorashooyinka  Booliska Soomaaliya  AMISOM iyo  UNSOM. Guddiga saraakiisha ayaa iska xog wareeysatay sida ugu wanaagsan ee loo sugi karo amniga Goobaha ee doorashada Aqalka sare ay ka dhici doonto,si loo xaqiijiyo Amniga Gobahaasi Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer...

WARAR KALE

Cirro oo La Kulmay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Iskaashi Amni oo Cusubna ka Wada Hadlay

Tel Aviv – Wasiirka Gaashaandhigga Israaiil, Israel Katz, ayaa sheegay in muddo sannado ah ay ka sameynayeen hawlgallo taxane ah oo sir ahaa gudaha maamulka...

Somaliland Leader Meets Israeli Defence Minister as Both Sides Signal Deeper Security Ties

JERUSALEM, June 17 – Israeli Defence Minister Israel Katz said on Tuesday that Israel and Somaliland had cooperated for years on a series of...

Kenyan Troops Honoured by African Union for Service in Somalia Mission

KISMAYO, Somalia – Kenyan troops serving under the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) have been awarded medals by the African...