Kulan looga hadlayey amniga doorashooyinka oo ka dhacay Baydhabo

0

Guddiga Hirgellinta Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Shir looga Hadlayey sugidda amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatey Saraakiishada Ciidamada Loo xilsaarey Amniga Doorashooyinka  Booliska Soomaaliya  AMISOM iyo  UNSOM.

Guddiga saraakiisha ayaa iska xog wareeysatay sida ugu wanaagsan ee loo sugi karo amniga Goobaha ee doorashada Aqalka sare ay ka dhici doonto,si loo xaqiijiyo Amniga Gobahaasi

Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare ayaa Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo.

Waxana Shirka Shir Gudoomiyey Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka KGS Mudane Yusuf Abdulkadir Mohamed Waxana Looga Hadley Dardar Gelinta Howlaha Shaqo ee Labada Gudi iyo Xoojinta Wadashaqeynta Guddiyada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here